Maxkamadaha islaamiga oo soo saaray amar mamnuucaya in hubka waa weyn lagu dhex tijaabiyo gudaha magaalada Muqdisho.


Muqdisho, 04-August
-06 ( Qaadisiya.com) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shuurada maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed Dr.Cumar Iimaan Abuubakar ayaa shaaca ka qaaday in maxkamadaha ay wadaan qorshe ballaaran oo la xiriira joojinta hubka lagu dhex tijaabinayo gudaha magaalada Muqdisho,iminkana ay soo saareen wareegto adag oo lagu mamnuucayo in hubka waa weyn lagu tijaabiyo gudaha magaalada Muqdisho.

Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayaa shaaca ka qaatay in maxkamadaha ay tallaab cad ka qaadi doonaan cidii lagu helo in gudaha magaalada ay ku tijaabisay hubka culculus wuxuuna sheegay in diinta islaamka aysan ogoleyn in bulshada laga naxiyo .

Dr. CUmar ayaa waxa uu xusay in qorshahan uu qeyb ka yahay qorshe maxkamadahu ay wadaan oo la xiriira sidii magaalada Muqdisho oo dhami looga mamnuuci lahaa in wax hub ah lagu tijaabiyo ama lagu dhex sito,waxaana uu hoosta ka xariiqay in maxkamadaha aysan cidna uga heybeysanaynin sugida amniga Muqdisho iyo badbaadinta shacabka.

Dr. Cumar ayaa ugu baaqay ganacsatada hubka ee wax ku iibisa Suuqa Cirtoogte  in ay meel mariyeen qorshahan cusub ee maxkamadaha ay soo rogeen isagoo sheegay in qorshahan uusan ahayn mid iyaga lagu cunaqabateynayo laakiin ujeedkiisu uu yahay badbaadinta shacabka oo muddo ka badan 15 sano dhagaha ay tireen madaafiicda iyo hubka culculs ee sida indho